Xulka qaranka Cameroon oo ku guuleystay koobka Africa

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 129 views

6,February,2017(SofoNews) Kooxda qaranka dalka Kaameruun ayaa soo afjartay 15 sano oo ay sugaysay in ay Koobka Qaramada Afrika mar kale hanato

Kaameruun oo gool lagu lahaa markii hore ayaa boodhka iska jaftay oo ciyaartii kama dambaysta ahayd Masar kaga badisay 2-1 iyagoo hantay koobkii shanaad ee Qaramada Afrika

Vincent Aboubakar oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa goosha guusha u dhaliyay iyadoo ay ciyaartu ka dhiman tahay labo daqiiqo oo kali ah.

Nicolas Nkoulou ayaa goolkaas ka horna goosha barbaraha u keenay Kaameruun, isaga oo madaxa ku sixiixay.

Gooshaas ayaana barbaro u ahayd midkii uu sida quruxda badan ugu dhaliyay Masar Mohamed Elneny oo 22 jir ah.

Gooshii u dambaysay ee Aboubakar ayaase Kaameruun u xaqiijisay in ay koobka qaaradda hanato 15 sano oo ay sugayeen ka dib.

Waxaa kale oo ay noqdeen dalka labaad ee qaada koobabka ugu badan ee qaaradda Afrika, waxaana ka horeeya dalka Masar, waana markii koobaad ee ay ciyaar kama dambays ah ka badiyaan xulka Masar saddex ciyaarood oo kama dambays ah oo ay iska horyimaadeen.

Like it? Share it!