Xukuumadda Washington oo qaadanaysa go’aan ka dhan ah dadka shacabka ah eekunool, wadamada xasaraduhu ay kajiraan

by Hassan Ali | Monday, Mar 13, 2017 | 67 views

13,March,2017(SofoNews) Xukuumadda Washington ayaa Dadaal ugu Jirtaa sidii uu ufurfuri lahaa shuruucdii Madaxweeynihii hore ee Mareykanka uu Hordhigay Diyaaradaha wax Duqeeya iyo Kumaandooska Mareykanka ee Dibadda Weeraradda ka Fuliya, kuwaas oo loogu tala Galay in lagu Difaaco Dadka Shacab ka ah Waqtiga ay Duqeeeymaha Geeysanayaan.
Madexweeynaha Cusub ee Mareykanka Donal Jey Trump ayaa Pentagon-ka siiyay Codsi uu uga Dalbanayo in ay Sedex Gobol oo Yemen kamid ah uga Dhawaaqaan Cadaawad Halkaas oo Shuruucda Dagaalka Si dabacsan loo dhaqangaliyay, islamarkaana Albaabka u furtay in Weerarro dhacay Bishii January ay dhintaan Dad shacab ah, Mareykankuna uu Weeradii ugu weynaa Abbid ku qaaday Al-qaacidada yemen, Sidaad Newyork times u sheegay Saraakiil ka Tirsan Pentagon.
MAdaxweynaha MAreykanka ayaa sidoo kale Waxaa lafilayaa in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u sixiixo Soojeedintii Pentagon-ka oo Qeeybo Soomaaliya kamid ah u Caalaamaadineeysa in ay Noqoto Goob dagaal, Sidoo kalena Meesha kasareeysa Caqabadaha Hor yaala Duqeeymaha Diyaaradahha iyo Weerada lala Beegsanayo Dadka la tuhmo in ay Al-shabaab ka Tirsanyihiin.
Wadamadda Soomaaliya iyo Yemen ayuu hadda Si gooni ah in dhaha ugu Hayaa Mareykanku, Sidoo kalena kama Marna Ciraaq iyo Afganistaan.
Go’aankaasi ayaa adii uu dhaqan galo waxaa lahadal hayaa in uu sii kordhin karo qasaaraha ka soo gaara dadka rayidka ah duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fulinayaan wadamo badan oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Like it? Share it!

Leave A Response