Xukuumadda Washington oo 50 diyaaradood oo casriga ah ee F35 ugu deeqday Israel.

by Hassan Ali | Wednesday, Dec 14, 2016 | 136 views

14,December,2016(SofoNews) Dadka ku xeel dheer arrimaha gaashaandhigga ayaa sheegaya in Dhaqaalaha ku baxaya diyaaradahaasi ay yihiin  100 malyan oo doolar midiiba waxaana Labadii diyaaradood ee ugu horeeyay deeqdan ay gaareen Israel.

Benjamin Neytanyahu Raysulwasaaraha Yuhuudda oo munaasabad arintan loo qabtay ka hadlay ayaa sheegey in  awoodda militari ee Israel  ay sii kordhayso wuxuuna sheegay in Israel noqotay wadanka labaad ee hela diyaaradaha casriga ah marka laga reebo Mareykanka ah oo dalkii lagu sameeyay.

Mr Neytanyahu ayaa u sheegey shacabka Israel in ay sii kordhayso cududda military ee Yuhuudda.

Bishii September ee sanadkan ayay Israel iyo Mareykanku kala saxiixdeen heshiis militari oo ku kacaya 43 bilyan oo doolar iyadoo 5 bilyan oo lacagtan kamid ah ay ku baxayso qalabka difaaca gantaalada.

Diyaaradihii hore ee Israel wax ku gumaadi jirtay ayaa ahaa nooca F15 iyo F16 hadana waxay heshay nooc kasii casrisan oo ah F35 oo gumaad ka daran gaysan kara.

 

Like it? Share it!

Leave A Response