Xudur oo soo gaaray qoysas ka soo cararay degmada Tiyeglow

by Hassan Ali | Saturday, Oct 29, 2016 | 124 views

29,Oct,2016(SofoNews) Boqolaal Qoys oo ka soo Barakacay Degmada Tiyeeglow oo ubadan Haween Caruur iyo dad da, ah  ayaa soogaarey Magaalada Xuddur ee G/bakool kuwaasi oo laga dareemayo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen SHabaab.

Qoysaskaan soo barakacay ayaa ka soo cararay dhibaatooyinka ay kala kulmeen kooxaha Shabaaba oo dhibaao ku aha nolosha bulshada kadib markii ciidamada Itoobiday in  ya ka bexeen degmada Tiyeglow iyo deegaano kale ayagoo miciin biday in degmada Xudur.

Maamulka Gobolka Bakool iyo Shacabka degmada Xudur ayaa soo dhaweyn iyo daryeelba u fidinaya qoysaskaasi.

Guddoomiyaha G/bakool Maxamed Cabdi Toll ayaa baaq udirey DFS DGK IYO Hay’adaha Samafalka in ay gargaar  deg-deg ha lasoo gaaraan­­­­­­­­­­­­­­­­

qaar katirsan barakacayaasha oo aan lakulmay ayagoo iiga warray xaaladdood nololeed aya sheegey in ay ka soo baxsadeen  Alshabaab oo dib u qabsaday goobihii ay ka bexeen ciidamada Itoobiya.

Dhinackale banaanbax  lagu taageerayo howlagalada ka dhanka ka Shabaab islamarkaan loogana soo horjeedo dhibaatooyinka bulshada ay ku hayaan shabaab kaasi oo ay ka qeyb qaateen qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay magalaad Xudur ee xarunta gobolka Bookool.

 

Like it? Share it!