Xubnihii ugu horeeyey ee aqalka hoose oo Puntland u matalidoono oo Garowe lagu doortay

by Hassan Ali | Sunday, Nov 13, 2016 | 191 views

13,November,2016(SofoNews) Doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee Punland u matalidoona Kurisigii  Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa ku guulaystay Siciid Xuseen Ciid oo helay 48Cod ,Halka Musharixii la tartamayey Maxamuud Rooble Maxamed uu isna helay 1 cod, waxaana xumaaday hal cod.

Kursigii 14aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose , ayaa waxaa isna ku guulaystay Zakeriye Maxamuud Xaaji Cabdi oo helay 32 cod.

Kursigii 15aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, ayaa Waxaa ku guulaystay Burhaan Aaden Cumar oo helay 51 cod, halka Mowliid Maxamed Siciid uusan helin wax cod ah.

Doorashooyinka aqalka hoose ayaa ka soconaya dhamaan deeganaada maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Soomaaliland, inkastoo doorashada xubnaha ka soo jeeda halkaasi ay ka dhacayso magalaad Muqdisho.

 

Like it? Share it!

Leave A Response