Xubnaha aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya oo sharci cusub meel mariyay

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 14, 2017 | 86 views

14,March,2017(Sofonews) Kalfadhigan 1-aad kulankiisa 9-aad ee aqalka sare waxaa maanta soo xaadiray 35 xildhibaan ajanduhu waxa uu ahaa ansixinta qorista shaqaalaha aqalka sare, qaybinta xeer hoosaadka aqalka sare iyo dhagaysiga warbixn ay soo diyaariyeen guddiga amniga.
Kulanka ayaa ugu horrayn lagu ansixiyay in shaqaalaha aqalka sare ay noqdaan 61, ansixinta ayaa waxay ahayd gacantaag 27 mudane ayaa ogolaatay ma jirin diidmo iyo aamus.
Mudanayaasha aqalka sare ayaa ka dooday islamaanta warbixin ay soo diyaariyeen guddiga amniga aqalka sare, waxaana warbixintaasi aqrinayay Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid”.
Mudanayaasha aqalka sare ayaa waxaa loo qaybiyay xeer hoosaadka ay ku shaqayn doonaan, waxaana la sheegay in la soo aqrisan doono maalinta Sabtidana laga doodi doono.

Like it? Share it!

Leave A Response