Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain oo Muqdisho soo gaaray

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 169 views

15,March,2017(SofoNews) Britain Boris Johnson oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain ayaa maanta soo gaaray magaalaad Muqdishoayadoo safarkiisu uu ahaa mid aan horey loo sii shaacin.

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweyeey Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana la filayaa in goordhaw kulamo la qaato madax katirsan dowlada Soomaaliya.

Warar ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah la qaadan doonayo Boris Johnson, waxa ayna labada masuul kawada hadli doonaan arimo ay ugu muhiimsan tahay abaarta dalka ka jirta iyo sidii Britain gacan uga geysan laheed.

Imaatinka wefdigan ka socoda dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale salka ku haya sidii dowladda Britain ay ugu casuumi lahayd madaxda dowladda Soomaaliya, shir caalami ah oo ka dhacay adalkasi dhawaan kaasi oo looga hadlayo arrimo ay kamid tahay Soomaaliya.

Like it? Share it!