Xog hayaha guud ee QM oo Muqdisho kula kulmay madaxda sare ee dowladda

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 7, 2017 | 73 views

7,March,2017(SofoNews) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho , wafdigana waxaana kulamo hor dhac ah ay la yeesheen Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres iyo wafdiga la socda ayaa Madaxweyanaha Soomaaliya kala hadlay Xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii ay Qaramadda Midoobay taageero ula garab istaagi lahayd Dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale Kulanka Madaxweynaha iyo Antonia Guterres ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada abaaraha ee ka jirto Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee ka hortag iyo gargaar loo sameyn lahaa.
Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaadan doono Madax kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay uu soo gaaro Soomaaliya Antonio Gutress tan iyo markii uu qabtay xilka xoghayaha guud ee QM.
Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay wadamada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha kajira qaar kamid ah wadamada qaaradda Africa oo abaaraha iyo Shuban biyoodka kajira

Like it? Share it!

Leave A Response