Xog cusub: Akhriso waxyaabaha iska bedelay heshiiskii Kenya iyo Soomaaliya

by admin | Wednesday, Apr 5, 2017 | 116 views

5 April 2017 (SofoNews) – Kaddib markii la ogaaday in laba diyaaradood oo shalay Muqdisho ka baxay lagu sii baaray garoonka diyaaradaha Wajeer, ka hor inta aanay u gudbin Nairobi, ayaa waxaa baraha xiriirka bulshada iyo warbaahinta Soomaalidaba laga hadal-haayay in arrintaas ay billow u tahay isbeddel ku yimid heshiis dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiska labada dowladood oo dhawaan la dhaqangeliyay ayaa waxa uu dhigayay in diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay toos u tegi doonaan Nairobi, halka ay markii hore ka sii mari jireen degmada Wajeer ee gobalka Waqooyi Bari Kenya, si baaritaanno loogu sammeeyo.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa war ay maanta soo saartay ku caddeysay in aanay waxba iska beddelin heshiiskii duulimaadka tooska ah looga billaabay Muqdisho iyo Nairobi.

Hay’adda ayaa sababta labada diyaaradood ee Muqdisho ka baxay shalay loogu hakiyay Wajeer waxa ay ku sheegtay in diyaaradahaas ay ahaayeen kuwa aan ka diiwaan-gashanayn duulimaadyada labada dal.

Warka ka soo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu muujiyay in dowladdu ay aad uga xun tahay waqtiga ka lumay dadkii saarnaa diyaaradaha shalay lagu hakiyay Wajeer, waxaana ay hay’addu ugu baaqday shirkadaha duulimaadyadu in ay ka taxaddaraan duulimaadyadooda, ayna iska hubiyaan dhammaan waraaqaha muhiimka u ah fududeynta duulimaadyadooda

Like it? Share it!

Leave A Response