Xisbiga Madaxweyne Xasan oo soo dhoweeyay gudoomiyaha Gobolka

by admin | Thursday, Nov 26, 2015 | 329 views

Xisbiga Nabada iyo Hormarinta ee PDP ayaa Magaalada Muqdisho xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana Munaasabadaasi ka soo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo Marti Sharaf kale.

Madaxda Xisbiga PDP oo Furitaanka Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay iney ku Faraxsan yihiin soo dhaweynta ay Maanta u sameynayaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadi r ahna duqa Mjuqdisho.

pdf1
Waxay sidoo kale tilmaameen in ay wax badan oo isbedel ah ka rajeynayaan Gudoomiyaha Cusub sidoo kalena ay ka rajeynayaan inuu la yimaado hormar iyo shaqo badan.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka hadlay Xildhibaano ka tissan Baarlamaanka Soomaaliya oo dhankooda sheegay in ay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Duqa Muqdisho.

Xildhibaan Sahro C/qaadir C/raxmaan ayaa sheegtay in Gudoomiyahaan Cusub logu fadhiyo inuu wax u qabto Shacabka Gobolka Banaadir oo muddo badan ku jiray dagaalo sokeeye hadana diyaar u ah in wax loo qabto.

Sidoo kale Waxaa Munaasabada ka hadlay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, waxa uuna u mahad celiyay Dhalinyaradii soo qaban qaabisay Xaflada Soo dhaweynta ah.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ka sheekeeyay Taariikhda Gudoomiyaha Cusub oo uu sheegay iney wax isla soo bartay, waxa uuna tilmaamay in uu rajeenayo Gudoomiyaha Gobolka in waxqabad wanaagsan uu la imaan doono..

pdf

Gudomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo gabagabadya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Xaflada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay.

Gudoomiyaha Gobolka ayaa sidoo kale xusay inuu la imaan doono waxqabad muuqdo, waxna ka qaban doono Arrimaha ay ka cabanaya Shacabka Gobolka, uuna ka shaqeyn doono horumarka Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!