xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo aad loo hadalhayo

by Hassan Ali | Sunday, Feb 19, 2017 | 138 views

19,February,2017(SofoNews) Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo ayaa dadal ugu jira magacaabista kursigasi raiisul wasaraha kaasi oo ay isku haystaan qabaailo farabadan oo ka soo jeeda beesha hawiye.
Ololaha ugu xoogan ee ku aadan helitaanka xilka R’aisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya waxaa hada wada Qabiilada Habar Gidir iyo Abgaal, waxa ayna labadan beelood mid kastaahi dadaal ugu jirtaa sidii ay kursigaasi ku heli laheed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wali wada latashiyada ku aadan qofka ku haboon uu usoo xulan lahaa xilka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, waxaana la filayaa in ugu dambeyn uu soo xusho Siyaasi kasoo jeeda labada beel ee hada kursigaasi isku garbineysa.
Xildhibaanada labada Aqal ugu jira Beelaha Habar Gidir iyo Abgaal iyo waxgaradkooda ayaa siyaabo kala duwan ula kulamy Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna ka codsadeen in mid waliba uu iyagu siiyo kursiga R/Wasaaraha.
Xafiiska Madaxweynaha waxaa la geeyay araaji badan oo ku aadan Siyaasiyiin damac uu kaga jiro xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana xubnaha xilkaasi damaca kaga jiro ku jira Siyaasiyiin caan ah iyo kuwa saaxafada Siyaasada ku cusub.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wali heesta fursad uu kaga fikiro soo xulashada shakhsiga ku haboon xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, walina lama oga xiliga uu Madaxweynaha oo dhawaan xilka la wareegay ku dhawaaqi doono R/Wasaaraha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response