Xildhibanada golaha shacabka oo ansixiyay xukuumadda cusub

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 29, 2017 | 102 views

29,March,2017(SofoNews) Xildhibaanada goalha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho codka Kalsoonida si buuxda u siiyay Xukuumada Cusub uu dhawaan soo dhisay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka Baarlamaanka ka hadlay ayaa Xildhibaanada u aqriyay Barnaamijkiisa Xukuumadiisa u qorsheesan in ay la timaado ,waxa uuna ka codsaday Xildhibaanada in ay codka Kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub , waxa uuna balan qaaday in wax qabad muuqda la imaan doonto Xukuumadiisa hadii codka kalsoonida la siiyo.
Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya waxaa soo xaadiray 241-Xildhibaan , waxaana kulanka shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa codka kalsoonida siiyay Xildhibaano gaaraya 224 waxaana diiday 15 … Xildhibaan halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan, waxaana sidaasi Codka Kalsoonida ku helay Xukuumada cusub ee Ra’isul Wasaare Kheyre.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Kalsooni siinta golaha Wasiirada kadib mar kale Baarlamaanka la hadlay ayaa uga mahad celiyay codka kalsoonida ay siiyeen, waxa uuna mar kale balan qaaday in Xukuumada cusub ay la imaan doonto waxqabad ayna diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Like it? Share it!