Xildhibanaada labada aqal oo dhageysanaya khudbadaha musharixiinta

by Hassan Ali | Thursday, Feb 2, 2017 | 137 views

2,February,2017(SofoNews) Dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya 4 sano ee soo socota ayaa Maanta  Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu bilaabayaa Dhageysiga Qudbada Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in maanta la dhageysito Illaa Siddeed Musharax oo bilaabi doona khudbadaha  ay uga hadlayaan waxa  ay qabanayaan haddii ay Guuleystaan,waxaana Guddiga uu sheegay in Saddex Qeyb ay noqon doonto Dhageysiga Qudbadda Musharaxiinta ay jeedinayaan,taas oo socon doonta illaa 5 Bishaan.

Musharaxiinta Maanta Qudbadda jeedin doona waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed,waana illaa 8 Musharax.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,waxaana halkaa Amnigeeda Sugaya Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Khudbadaha oo socon doona ilaa 5 bishan ayaa kadib waxaa la gudagalaya diyaar garowga doorashada madaxweynaha Soomaaliya  oo ka dhacaysa  dugsiga tababaraka booliska General Kaahiye ee magaalaad Muqdisho.

 

Like it? Share it!