Xiisad ka dhalatay askar gadoodsameyeey oo saaka kataagan magaalad Garoowe

by Hassan Ali | Thursday, Mar 9, 2017 | 111 views

9,March,2017(SofoNews) Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xaaladda magaalaad GAroowe ay tahay mid degan saaka kadib markii xalay askar katirsan ciidamada booliska gaarka ah ee Puntland ay qabsadeen xarun ay magaalaad Garoowe ku leedahay wasaraadda maaliyadda Puntland.
Ciidankan qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Garawe oo ahaa ciidan gadoodsan waxaa horkacaya Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Dayr Xaaji Cabdi, waxa ayna ciidankan ka cabanayana mushaar la’aan heesata dhoor sano ayadoo dhanka kale wasaraadda maaliyadda ay ku eedeeyeen in ay ka been abuuratay sida ay sheegeen.
General Dayr Xaaji Cabdi oo Warbaahinta shir ja’aaid u qabtay ayaa sheegay in ciidanku ka cabanyaana mushaar la’aan heesata 30-bilood, waxa uuna been cad ku tilmaamay warka kasoo baxay Wasaarada Maaliyada ee lagu sheegay in ciidanka Musharakooda la siiyay.
Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ayaa isku dayaya in ay xaliyaan xaaladaha kacsanaanta ah ee ka taagan magaalada Garoowe kuwaasi taasi oo ka waxaana Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland, Maxamuud Axmed Gubadle uu sheegey in wax laga qaban doono cabashada ay muujinayaan ciidankaasi.
arintani ayaa saameyn ku yeelan karta howlaha maamulka Puntland ayadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo ciidamo katirsan Puntland ay gadood sameeyeen

Like it? Share it!

Leave A Response