Xerada qoxootiga Dha-Dhaab oo dab xoogan qabsaday

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 115 views

6,February,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan dadka kunool xeryaha qoxootiga Dha- Dhaab ee dalka Kenya, Dab aad u xoogan ayaa xalay  ka kacay suuq weyn oo ku yaalla xerada Xagardheer oo ka mid ah xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee gobolka woqooyi bari Kenya.

Debka ayaa geystay qasaare xoogan sida Goob joogayaal ay sheegayaan, dadaalka lagu deminayo dabkan ayaa ah  mid gaabis ahaa maadaama xerada aysan oolin gaadiidka dab demisyada loo yaqaano ah, iyadoo saacadba saacada ka dambeysa uu dabkan ku sii fidayo suuqa oo hanti badan ay taallo.

Weli lama oga sababta kicisay dabkan, waxaana xusid mudan in marar badan dab noocan oo kale ah uu qabsaday xerada dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasoo geystay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan.

Ma ahan markii ugu horeysay deb sida oo kale ah uu ka koco xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya dhowr jeer ayaa dhacday in deb nuucaan ah uu ka koco xeryahay Dha-Dhaab ee dalkaasi Kenya.

Like it? Share it!