Xeer ilaaliye ku-xigeenkii maxakamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo dhaawac dartii u geeriyooday

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 187 views

28,Oct,2016(SofoNews) Magaalada muqdisho ayaa waxaa maanta  ku geeriyooday xeer illaaliyihii maxkamadda ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ALLAHA u naxariistee Col. C/llaahi Mayonge.

Wararka ayaa sheegaya in Col. Mayonge uu u geeriyooday Dhaawac ka soo gaaray Weerar degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho ay ugu geysteen rag ka tirsanaa Al-shabaab bishii hore.

Dableyda ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaari uu la socday Col. Mayonge, waxaana ku dhintay darawalkiisa, halka isagana dhaawac halis ah oo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Dhaawiciisa lagu dabiibayey mudooyinkan Magaalada Muqdisho, Col. C/llaahi Mayonge ayaa in muddo ah la shaqeynayay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya oo horey dil iyo xabsiba ugu xukuntay dad badan oo ay ku jiraan rag ka tirsanaa Al-Shabaab.

Like it? Share it!