Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay doorahsada kadib dalka ka dhoofay Sababta(Sawirro)

by Hassan Ali | Friday, Mar 17, 2017 | 105 views

17,March,2017(SofoNews) Safarkii ugu horeeyey uu dalka dibadiisa ugu amba boxo Xasan Sheekh Max’uud madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa maanta uga amba baxay garoonak diyaarada magalaaad Muqdisho.
Waxaa sii sagootiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro, 50 meeyo Xildhibaano ka tirsan labada gole, diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan.
Madaxweynihii hore ayaa waxaa horay u sii raacay xaaskiisa, qaar ka mid ah kaliyeyaashiisa iyo Ilaalo kooban, waxaa uu dalka Turkiga joogi doonaa muddo bilooyin ah, isagoo dalka dib ugu soo laaban doona.
Hadal kooban uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ku siiyay Warbaahinta ayuu sheegay in safar ugu baxayo Turkiga, muddo kooban kaddib uu dalka dib ugu soo laaban doono.
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dalka joogi doona, isagoo ugu baaqay shacabka inay dowladda la shaqeeyaan, waxaa uu sheegay in khilaaf iyo is qab qabsi aan loo baahneyn, lalana garab istaago dowladda.

xasan-bixid xasan-bixid1 xasan-bixid2 xasan-bixid7 xasan-bixid8 xasan-bixid9 xasan-bixid22 xasan-bixin23

Like it? Share it!

Leave A Response