Xasan Sheekh oo goor dhow u dhaqaaqey holka doorashada iyo doorashadii oo bilaabanaysa

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 171 views

8,February,2017(SofoNews) Mudanayaasha baarlamanka Soomaalitya ee labada aqal ayaa bilaabay in ay ku xaroodaan xarunta lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhax taala Xerada Ciidanka Cirka ee Afisiyooni ee degmada Waaberi ee magaalaad Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow dhow howlka doorashada ayaa sheegaya in xil dibaano iyo mas,uuliyiin aad u farabadan ay gudaha u galeen howlka doorashada si ay isku diyaariyaan codbixinta.

Warbaahinta noocyadeedi kaladuwan ayaa ka qeyb qaadanaysa tabinta doorashada aydoo wariyaal ka kala socoda gudaha iyo dibadda ay goob joog kayihiin doorashada.

Kolanyadii galbinaysay madaxweynaha Xasan Sheekh Max,uud oo kamid ah musharixiinta ayaa u dhaqaaqday dhanka holka doorashadu ay ka socoto ,waxaa sidoo kale halkaasi gaaray qaar kamid ah musharixiinta u taagan qabashada xilkaasi.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku mashquulsan daawashada tvyada iyo dhageysiga idaacadaha iyo baraha bulshadu ay ku xiriirtu ayagoo ka dhursugaya qaabka ay u dhacayso doorashada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageersan Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood, waxaana si weyn looga dareemayaa baraha Bulshada kuwada sheekeesato iyo goobaha fadhi ku dirirada Musharaxiinta ay dadku kala taageersan yihiin waxana kamid ah ,Mxaamed C/Laahi Maxamed Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo kuwo kale.

Like it? Share it!