Xasan Sheekh Max’uud o xildhibaanimo loodhaariyay

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 106 views

4,March,2017(SofoNews)Bilowga kulanka waxaa Xildhibaannada golaha shacabka loo akhriyey qaraaradii uu baarlamaanka kusoo maareeyey marxaladihii kala guurka ee dalka oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka guddoonka golaha shacabka iyo madaxweynaha waxaana markaasi kadib mudaneyaasha loo akhriyey qaraar ku saabsan gurmadka abaaraha dalka, ayadoo uu golaha u akhriyey guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Xildhibaannada golaha shacabka waxa ay bilaabeen iney tallooyin ku biiriyaan qaraaarkaasi ayadoo tallooyinka jaalleyaasha xildhibaannadu ay ku qotomeen sameynta guddi baarlamaani ah oo la xisaabtama hay’adaha samafalka iyo guddiyada abaaraha .
Kulankii baarlamaanka ee maanta waxaa mudaneyaasha lagu hor dhaariyey madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaya xubin ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka sida uu qabo dastuurka dalka.
Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sharaxay sifaha uu madaxweynihii hore ee dalka ku noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, isagoo soo qaatay qodobka 64 aad ee dastuurka oo arinta ka hadlaya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee dalka oo markii la dhaariyey kadib la hadlay xildhibaannada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta loo dhaariyey xubinnimada golaha shacabka waxaana uu dhanka kale u mahad celiyey xildhibaannada barlamaanka si guud islamarkaana ay tahay in la laabo bogagii taariikhda ee lasoo maray afartii sano ee uu hogaaminayey dalka iyo intii lagu jiray ololihii doorashada.
Xildhibaannada golaha shacabka ayaa sii amba qaadi doona dooda gurmadka abaaraha kulankooda ugu horeeya hadii uu Alle idmo, ayaga oo ugu dambeynna meel marin doona qaraar ay isku raacsan yihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response