Xafiiska Jaamacadda Carabta Muqdisho oo deeq lacageed ku wareejiyay dowladda Soomaaliya

by Hassan Ali | Monday, Jan 30, 2017 | 136 views

30,January,2017(SofoNews) Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran Max’ed Cumar Carte ayaa lacag dhan $91,835 ka gudoomay Safiirka Jaamacadda Carabta Amb Maxamed Cabdalla Idriis.

Mr Carteh ayaa uga mahadceliyay Safiirka iyo dowladaha Carabta sida ay dadka Soomaaliyeed u garabtaagan yihiin.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, iyo wasiiro katirsan xukuumadda waqtigeedi uu dhamaaday ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad oo asna ka hadlay goobka ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Jaamacadda Carabta, asagoo dhanka kale sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay isku gurmadaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa dadka Soomaaliyeed u cadeeyay in lacagtani ay ku bixi doonto meeshii loogu tala-galay waxana lacagtani ay imaanaysaa ayadoo ay sii kordhayaan abaaraha xiligani kataagan dalka Soomaaliya.

 

Like it? Share it!