Xaaladda magaalaad Gaalkacyo oo saaka degan iyo xisado oo weli la dareemayo

by Hassan Ali | Sunday, Oct 16, 2016 | 125 views

16,October,2016(SofoNews) Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada Magaaladaasi ay tahay mid degan ayadoo dhanka kale ay soconayaan dadaalo nabadeed .

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa shalay gelinkii dambe markale  ku dagaalamay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana Dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa tilmaamaya in wali ay socdaan dadaalada xalka loogu raadinayo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, iyadoo waxgaradka labada dhinac iyo culumadu ay howshaasi isku xil saareen.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan kulamo nabadeed la yeeshey madaxda maamuladaasi inkastoo weli xisaduhu ay yihiin kuwo taagan.

Wali waxaa la sheegayaa in ciidanku ay is hor fadhiyaan, inta badan dadka shacabka ahna ay isaga barakaceen magaalada, inkastoo iminka xaaladu ay dagantahay.

Like it? Share it!

Leave A Response