Xaaladda degmada Qoryooley oo degan kadib dagaal xoogan oo halkaasi ka dhacay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 95 views

8,March,2018(SofoNews) Kadib dagaal xoogan oo maanta ciidamada katirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab uu ku dhexmaray deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramaya in xaaladda iminka ay tahay mid degan.
Dagaalka oo ka dhacay duledka degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka soo baxaysa Faahfaahin Dheeraad ah waxaana la sheegayaa in uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray labada dhinac.
Sirasmi ah looma xaqiijin karo qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayadoo aanay jirin cid ka hadashay ilaa iyo haatan.
Al-shabaab ayaa Weerar Xoogan Kusoo Qaaday Fariiisimo ay Ciidamada Dowlada Gaar ahaan Kuwa Militeriga ay kulahaayeen Duleedka Degmada Qoryoolay Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxaana Dadka Degan Degmada Qoryoolay ay shaageen in ay maqlayeen Rasaas Xoogan Oo ay isku Adeegsanayeen Labada Dhinac.
Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku haya goobihii lagu dagaalamay waxaana la sheegayaa in uu jiro dhaq dhaqaaq militari oo ka dhan ah Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response