Xaaladda Cadaado: AMISOM oo loo diiday in ay galaan magaalada 

by admin | Thursday, Apr 9, 2015 | 349 views

Warar kala duwan oo ka imaanaya magaalada Cadaado oo la sheegay in shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud uu ka furmayo ayaa waxaa ciidamada Itoobiya oo qeybka ah kuwa AMISOM loo diiday in ay galaan magaalada.

Ciidamda ayaa loogu talagalay in ay sugaan amaanka goobta shirka uu ka dhacayo iyo sidoo kale madaxda kala duwan ee goobta ku qul quleysa.

Maamulka ka taliya magaalada ayay wararku sheegayaan in ay diideen in ciidamda AMISOM ay magaalada gudaha u galaan.

Ciidamadan ayaa qaarkood la sheegay in ay ka tageen magaalada Dhusamareeb ee gobolka Galgaduud halkaasi oo shalay madaxweyne Xasan uu ka sheegay in ay noqondoonto caasimadda maamulka dhisidiisa lagu muransanyahay.

Sikastaba maamulka deegaanka kajira ayaa shalay qaadacay hadalka madaxweynaha iyaga oo sheegay in madaxweynaha howshiisa ahayn magacaabidda caasimadda maamulka.

Like it? Share it!