Wiil Soomaali ah oo musaafurin iyo xabsi lagu xakumay dalka Dernmark

by Hassan Ali | Wednesday, May 3, 2017 | 74 views

3,May,2017(SofoNews) Wararka ka imaanaya dalka Dernmarka ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla dalkaasi ay wiil 25-jir Soomaali ah ku xukuntay labo sano iyo bar xabsi ah, iyo waliba musaafurin ay shuruudi ku xiran tahay kadib markii lagu so oogay faldembiyeed ee halkaasi ka geystay.

Waxyaabo qarxa ayaa la sheegey in loo haysto Libaan Ahmed Hassan Warsame oo ah wiil Soomaaliyeed gaar ahaan guri uu degnaa.

Maxkamada ayaa waxaa la horkeenay cadeymo muujinaya faraha wiilkan Soomaaliga ah, kuwaasoo lala xiriirinayay miinada gurigiisa laga helay.

Ciidamada Booliska dalka Denmark ayaa xaqiijiyay in wiilkan uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagaxisada ah ka dib baaritaano ay ku sameeyeen mana cadda sbaabta haatan loo soo celiyaay kiisiisa.

Qareenka u doodaya wiilkan ayaa racfaan ka qaatay go´aanka Maxkamada, isagoo sheegay inay jiraan DNA iyo faro kale, kuwaasoo iyagana xiriir la lahaa miinada guriga laga helay.

Like it? Share it!

Leave A Response