Weerar lagu qaaday ergada ku shirsan magaalada Garowe

by Hassan Ali | Saturday, Nov 5, 2016 | 130 views

5,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya magalaad Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in Kooxo hubaysan ay xalay weerar ku qaadeen  mid ka mid ah hotelada ay magaalada Garoowe ka degan yihiin ergooyinka lagu wado iney ka qeyb galaan doorashada xubnaha Puntland ku metelaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

kooxaha hubaysan ayaa rasaas ku furay  Hotelka ay degan yihiin qaar ka mid ah Ergeda beelaha taasoo si weyn looga maqlay magaalada Garoowe, iyadoo dableydan ay markiiba ka baxsadeen goobta.

Laamaha amaanka maamulka Puntland ayaan ka hadlin weerarkan oo noociisa aan looga baran magaalada Garoowe.

Weerarkan ayaa ku soo aaday xilli qaar ka mid ah beelaha Puntland ay cabasho xoogan ka muujiyeen habka loo soo xulay Ergooyinka iyo Musharaxiinta Puntland ee u tartamaya xildhibanada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Amaanka magalaada Groowe ayaa siweyn loo adkeeyey ayadoo ciidamo isku dhaf ah la geyeey goobaha muhiimka ah iyo xaafadaha si looga hortago weeraro ka dhacay magalaadaasi inta doorashadu ay socoto.

Like it? Share it!

Leave A Response