Weerar dadi ay ku dhinteen oo lagu qaaday Hotel Boosaaso kuyaala

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 107 views

8,February,2017(SofoNews) Wararka aanu ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Puntland aya sheegaya in weerara qasaare dhimaso iyo dhaawac sababay uu saaka ka dhacay hotel kuyaala magaalaadaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland  sheegay in lagu Guuleystay soo Afjarida Dableeydii Weerarka ku soo qaaday Hotelka International Vallage ee dhaca Koofur Galbeed Magaalada Boosaaso halkasi oo dad kabadan 4 qof ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya Labo Dableey ah oo ku Hubeysan Qoryaha Fud fudud ay Weerar ku soo qaadeen Hotelka Village islamarkaana ay Dileen Labo kamid ah Illaalada Hotelka halka 2 kalena ay ahaayeen shacab.

Macadda sababta weerarkaasi balse waxaa muddooyinkii ugu dambeeyeey magaalaad Boosaaso ka dhacayay weerarao ku dhufo ka dhaqaa ahaa waxaan soconaya howlgalo maalin leh oo amaanka lagu adkeynayo.

Hotelka la weeraray ayaa waxaa inta badan degan xildhibaanada baarlamanka maamulka Puntland lamana oga haddii uu jiro qasaare uu ka soo gaaray weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa uu Dagaal ku dhexmaray Hotelka Dableeyda Wax Weerartay iyo Ciidamo Illaalo u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan oo Degen Hotelka,waxaana halkaas ku dhintay Labo Askari oo kamid ahaa Ilaalada C/samad Gallan.

Saraakiisha waxaa ay intaa ku dareen in Toogasho lagu dilay Labadii Dagaalame ee Weerarka soo qaaday,waxaana hadda loo qaaday sida ay sheegayaan Goob lagu baarayo waxa ay yihiin.

Like it? Share it!