Weerar dada badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Bakistaan

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 127 views

25,October,2016(SofoNews) Dalka Bakistaan ayaa waxaa ka dhacay weerar Kooxo hubeesan ay xalay ku qaadeen xarun ciidanka boliiska lagu tababaro oo kutaala magaalada Quetta ee Koonfur galbeed dalka Pakistan, kaasi oo ay ku dhinteen in kabadan 60 qof halka 100 qof kalena ay ku dhawacmeen.
Sidoo kale Rag hubeesan ayaa  Waxyaabaha qarxa isku soo xiray waxaana ay weerar culus ku qaadeen xarunta booliiska lagu tababaro xili la huradayay, waxa ayna weerarka ka bilaabeen raga hubeesan halka ay jiiftaan askarta tababarka lagu siinayay xaruntaasi.

Ciidamada amaanka dowlada Pakistan ayaa saacado badan kadib ku guuleestay in ay soo afjaraan weerarka , waxa ayna ciidanka ay toogteen qaar kamid ah ragii weerarka kusoo qaaday halka kuwa kalan aya is qarxiyeen.

Waxaa lasoo badbbaadiyay qaar badan oo kamid ahaa dhalinyaradii booliiska loo tababaray ee lagu weeraray xaruntii ay degnaayeen, waxaana dhismaha xarunta ka muuqata bur bur xoogan iyo dhiig badan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan qasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay magaalada Quetta, Madaxda ugu sareysa dowlada Pakistan ayaana si kulul u cambaareeyay weerarkan ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen kooxo argagaxiso ah.

Like it? Share it!

Leave A Response