Waxgarad ku howlan dejinta dagaal ka dhacaya Caabud-Waaq

by Hassan Ali | Friday, Nov 4, 2016 | 156 views

4,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya magalaad Caabud-Waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Magaaladaasi  ay ka soconayaan waan waan nabadeed oo la kala dhex dhigayo maleeshiyaad ku dagaalamay halkaasi.

Wararaka  ayaa sheegaya in xaaladda ay maanta deganeyd wixii ka dambeeyay gelinkii dambe ee shalay oo dagaal sabaabay dhimasho iyo dhaawac uu halkaasi ka dhacay.

Waxgaradka deegaana iyo qeybaha bulshada ayaa wada dadaalo nabadeed oo lagu joojinayo colaadaasi oo salka ku haya aano qabiil.

Warka ayaa sheegaya in dagaalki shalay ay ku dhinteen Lix Ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeneey, halka dhaawacuna uu gaarayo 10, balse ay haatan ay socdaan waan waano, iyadoo la kala qaaday Maleeshiyaadkii dagaalamay.

Waxaa mudooyinkii ugu dambeyeey soo laalaabanayaya dagaalka salka ku haya arrimo qabiil oo ka taagan gobolka Galgaduud inkaasto ay jiraan culimo iyo waxgarad ku howlan deminta colaadaha buslhada dhexdeedi ah.

 

Like it? Share it!