Wasiiro iyo xuildhibaano gaaray Dhabeelaha Dhexe xili

by Hassan Ali | Friday, Mar 3, 2017 | 151 views

3,March,2017(SofoNews) Wafdigaan gaaray tuulooyinka Xawaadleey iyo Dhagaxoow oo kamid ah tuulooyinka hoosyimaada Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa hogaaminaayay Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymooy,waxaana wafdiga qeyb ka ahaa,Dahabo Suusoow Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka,gudoomiyaha Degmada Balcad, iyo Qaasim Cali Nuur oo kamid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii Waqtigiisa dhamaaday.
Wafdiga markii ay gaareen tuulooyinka Xawaadleey iyo Dhagaxoow Waxaa kusoo dhaweeyay Qeybaha kala duwan ee bulshada kunool Tuulooyinkaasi.
Ujeedada wafdiga ayaa ahayd u kuurgalida xaaladaha nololeed ee kajira tuulooyinka ay gaareen oo kamid ah tuulooyinka dadka kunool ay saameeyeen abaaraha dalka kajira iyo nabadeenta ciidamo ka wada tirsan ciidanka xooga dalka oo dhawaan dagaallo goos goos ah ay kudhaxmareen tuulada Xawaadleey.
Ugu horeyn qaar kamid ah waxgaradka tuulooyinka uu wafiga gaaray oo warbaahinta lahadlay ayaa masuuliyiinta warbixino kasiiyay xaaladaha nololeed ee dhabta ah ee kajira deegaanka iyagooo wafdiga hordhigay baahiyaha ay qabaan bulshada….Cod.
Gudoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saneey ayaa Faafaahin ka bixiyay ujeedada uu wafdiga usoo gaareen tuulooyinkan hoosyimaada Degmada Balcad wuxuuna sheegey in ay tahay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladaha dhabta ah ee halkani kajira.
Xildhibaanad Dahabo Suusoow Maxamuud oo kamid aheyd wafdiga Ayaa sheegtay in ujeedada ay aheyd in ay u kuurgalaan xaaladaha ay ku sugan yhiin dadka iyadoo ku baaqday in gurmad lala soo,gaaro dadkan kunool tuulooyinkan hoosyimaada Degmada Balcad.
Ugu dambeentii waxaa warbaahinta lahadlay Maxamed Cumar Ceymooy Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee xukamada uu waqtigeeda dhammaaday isagoo sheegay in baahiyaha ay qabaan Bulshada kunool tuulooyinka ay booqdeen ay horgeyn doono masuuliyiinta ugu sareeysa dalka,waxaana uu dhinaca kale ku baaqay in la joojiyo dagaallada kadhacay tuulada Xawaadleey.
“sidii odayaasha ay soo jeediyeen waxaan idinka balan qaadeynaa haduu allaha awooda leh uu ogolaado in baahida halkan kajirto in aan sii gaarsiino madaxda dalka ugu sareeysa,arinta colaada abaar iyo colaad malisku qaadi karo dadka abaarta ayee latacaalooyaan marka maahan in colaad loogu daro waxaan halkan u imaanay waxaa ugu weyn arinta colaada maantana halkan ayaa ku dhameyheynaa haduu alle yiraahdo”ayuu yiri.

Like it? Share it!