Wasiirkii Hore ee Maaliyadda oo Noqonaya Madaxa Banka Dhexe

by admin | Saturday, Apr 8, 2017 | 145 views

8 April (SofoNews) – Warar la isla dhex marayo oo saacadihii la soo dhaafay suuqa soo galay ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti loo wado xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Is bedelada bilowday ayaa la sheegaya inay qeyb ka noqon doonto Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, inkastoo aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa noqday saacadihii u dambeeyay ninka ugu cad cad ee loo saadaalinayo inuu qaban doono xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Magacaabida Fargeeti ayaa ku imaan doonto qaab sixid oo habka awood qeybsiga ah, iyadoo la sheegayo in lagu xalinayo cabashooyin iyo xiisado ka dhashay dhismihii Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise iyo kuxigeenkiisa Maryan Macalin ayaa loo badinayo in is bedelkooda la xiriiro nidaamka awood qeybsiga ee dalka.

Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa dooneysa inay xoojiso hanaanka uu u shaqeeyo Bankiga Dhexe, kaddib markii sanadkii hore ee la soo dhaafay Qasnada Bankiga lagala baxay lacag ku dhow nus milyan dol.

Like it? Share it!

Leave A Response