Wasiirkii dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday

by Hassan Ali | Sunday, Apr 2, 2017 | 138 views

2,april,2017(SofoNews) Alle ha u naxariistee waxaa magaalad Muqdisho ku geeriyooday Nuur Faarax Xirsi Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.
Rabbi ha unaxriistee Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalaayay xanuunkiisa ayadoo uu horey u qabay dhaawac uu ka soo gaaray qarax ka dhacay hotelka Naasahablood 2 ee magalaad Muqdisho.
Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!