Wasiirka difaaca Soomaaliya oo beeniyay in ciidanka dowladda ay qeyb ka yihiin dagaalka Gaalkacyo

by Hassan Ali | Wednesday, Oct 26, 2016 | 123 views

26,October,2016(SofoNews) Wasiirka Gaashanadhigga Dowladda Somaaliya Cabduqaadir Sheekh Cali Diini oo lahadlay warbaahinta ayaa ka hadlay  colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, wxuuuna Wasiirku meesha ka saaray wararka sheegaya in ciidanka xoogga dalka ay ka qeyb qaateen daagalada magaalada Gaalakcyo ku dhexmaray Maamulada Puntland iyo galmudug.

Wasiirka ayaa xusay in Ciidanka xoogga dalka ay dhex dhexaad ka yihiin colaaadda Gaalkacyo, islamarkaana waajibkooda uu yahay inay ilaaliyaan oo ay  bad baadiyaan shacabka .

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay waxgaradka, ganacsatada iyo culimada Gobolka Mudug inay ku dadaalaan joojinta dagaalka kusoo laa laabtay Magaalada gaalkacyo.

Wuxuu ku booriyay waxagaradka,Ganacsatada, culimada iyo maamulada labada gobol inay u istagaana joojinta colaadda Gaalkacyo isagoo xusay in uu kala hadlay Madaxweynaha iyo Ra’iisul asaaraha dalka in arintaasi si deg deg ah wax looga qabto.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya ayadoo madaxweynaha Puntland dhowr jeer uu ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay ciidamadeedu ka qeyb qaadanayaan dagaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo.

 

Like it? Share it!

Leave A Response