Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo qaaday talaabadii ugu horeysay

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 119 views

5,March,2017(SofoNews) Markii ugu horeysay ayaa Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) xalay sameeyay kormeer uu ugu kuurgalayo xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho isagoo u kuurgalaya sida amniga uu yahay.
Wasiir amniga gudaha Soomaaliya oo xirnaa dareyska Milateriga ayaa kormeer ku tagay Koontaroolada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho, isagoo ka xog wareysanayay saraakiisha laamaha amaanka sida uu yahay amniga magaalaad .
Waxaa uu ku amaanay Ciidamada ku sugan Koontaroolada laga soo galo magaalada oo heegan ugu jira sidii loo sugi lahaa amniga caasimadda.
Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu qaado Wasiirka cusub ee Aminiga Maxamed Abuukar Islow, waxaana uu balan qaaday markii shalay uu xilka la wareegay inuu qaadayo tallaabooyin cad cad oo lagu sugayo ammaanka dalka iyo Caasimada.
Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya ayaa ku amray wasiirada iyo dhamaaan lamaah aamaanka in qofkasta waajibka saaran uu guto islamarkaana la isla xisaabtamayo.

Like it? Share it!

Leave A Response