Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo la so baxay qorshayaal cusub.

by Hassan Ali | Tuesday, Apr 4, 2017 | 110 views

4,April,2017(SofoNews) Kadib munaasabad uu maanta ixlka kula wareegayaya Wasiirka cusub ee Amniga gudaha dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayuu kaga hadlay qorshayaal ku aadan sugidda amaanka dalka waxaana munaasabadaasi goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka dalka.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in wasiiradiisa ay qaadi doonto talaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo amniga Caasimada oo mudooyinkii dambe falalka amaan daro kusii kordheen, waxa uuna sheegay in talaabo adag laga qaadi doono kooxaha falalka amaan daro ku howlan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in dowlada ay abaal marin doonto qofkii soo sheega dadka u shaqeeya Al Shabaab ee ku howlan falalka amaan daro, waxa uuna cadeeyay in la qarin doono xogta dadka soo sheega Al Shabaab iyo goobaha lagu abaabulo qaraxyada iyo dialka.
Arrimaha ugu muhiimsan oo dowladda soomaaliya ay wajahayso ayaa ah sugidda amniga dalka oo ah xaaladihii ugu adkaa waxaana dhacaya weeraro dhanka amniga ah oo alshabaab ay geysanayaan.

Like it? Share it!