Wasiirka arrimaha gudaha iyo waxgarad oo Jowhar kulan ku yeeshey

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 11, 2016 | 167 views

11,October,2016(SofoNews) Kulamo wada tashi ah ayaa weli ka soconaya magalaada Jowhar ayadoo wasiirka arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdirxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) uu magaaladaasi kulan kula qaatay qaar kamid ah Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka HirShabelle.

Wasiir Odawaa ayaa uga mahad celiyay duubabka dhaqanka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe sidii ay ugu dhabar adeegeen har iyo habeena ugu soo jeedeen dhisida Maamul goboleedka HirShabelle.

Qaar kamid ah Waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa dhankooda amaanay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kale ee iyana ka shaqeeyay sidii uu u guuleesan lahaa dhismaha maamulka HirShabelle

Dhismaha Maamulka HirShabelle ayaa hada maraya heer gabo gabo ah, waxaana la dhaariyay Xildhibaanada uu yeeshay maamulkaasi, waxaana dhawaan la filaya ain magaalada Jowhar lagu doorto Gudoonka Baaramaanka iyo Madaxweynaha Maamulkaasi.

Like it? Share it!