Wasiirka arrimaha gudaha iyo taliayah Amisom oo Jowhar ku shiray

by Hassan Ali | Sunday, Oct 16, 2016 | 156 views

16,October,2016(SofoNews) Kulan looga hadlayay amaanka magalaada Jowhar ayaa Saraakiil ka scoto Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hir-Shabeele ku yeshey halkaasi.

Wafdigan oo uu hor kacayo Taliyaha guud ee hawlgalka midowga Afrika Gen; Cusmaan Nuur Subagle, ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaliya C/raxmaan Maxamed Odawaa iyo Goddoomiyaha cusub ee Barlmaanka Hir-Shabelle,Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, iyagoo ka sheekeystay xaaladda guud ee hab sami u socodka Shirka oo maraya heer gabagaba ah iyo sidii loo dhammaystiri lahaa.

Wafdigan oo uu ujeedkiisu ahaa u kuur gelidda xaaladda goobaha ay ka dhacayso doorashada Xidhibaannada Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaliya u meteleysa Hir-Shabeelle,ayaa waxay sidoo kale kala hadleen arrimaha nabad gelyada Hay’adaha kala duwan ee ammaanka Gobolka Sh/dhexe.

Like it? Share it!