Wasiiradii uu magacaabay madaxweynaha HirShabeele oo la ansixiyaay iyo buuq weli taagan

by Hassan Ali | Saturday, Mar 11, 2017 | 84 views

1,March,2017(SofoNews) Kadib kulan ay ku yeesheen baarlamaanka Hirshabeelle magaalaad Jowhar ayaa waxaa lagu ansixiyay wasiiradii uu soo magacaabay madaxweyne CAli C/laahi Cosoble.
Guddoomiyaha baarlamanka maamulkaasi Shiikh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in 71 xildhibaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Hirshabeelle.
85 xildhibaan ayaa soo xaadirtey kulankan, iyadoo 71 ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in mugdi uu ku jiro qaabka ansixinta oo aheyd mid gacan taag ah, isla markaana tirada joogtay kala bar ay ahaayeen xildhibaanada ka soo horjeeday Golaha Wasiirada in la ansixiyo.
Golaha wasiirada oo ka kooban 52 ruux oo isugu jira wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa 35 ka mid ah waxa ay yihin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.
Qaar ka mid ah golaha wasiirada oo kulanka ka dib saxaafada la hadlay ayaa waxa ay ballanqaadeen inay si hufan howlahooda u qaban doonaan ayna ugu horeeyaan abaaraha ka jira dowlad goboleedka.

Like it? Share it!

Leave A Response