Wasiir Nuux oo markale ku guuleystay kursigii lagu celiyaya HirSHabeele

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 146 views

4,February,2017(SofoNews) Kadib doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho ee ahayd kursigii aqalka hoose ee lagu celiyay Hir-Shabeel ayaa waxaa ku guuleystay Doorashada wasiirka dhalanyarada iyo ciyaaraha dowladda Soomaaliya oo markale kursigaasi u tartamay.

Qaar kamid ah Musharaxiinta ayaa sheegay in aysan Ogeyn waxa maanta dhacay islamarkaana uusan Guddiga War gelin,waxa Maanta dhaceyna ay lamid yihiin waxii Jowhar ka dhacay.

Arrintani ayaa dhalinaysa shaki iyo tuhun ku aadan qaabka doorashadaasi ay u dhacday waxaana aanu jirin war guddiga daarashadu uu ka soo saaray eedeymahaasi.

Waa Xildhibaankii Afraat oo kamid ah Xildhibaanadii la laalay oo soo baxa,waxaana Shantii Xildhibaan ka harsan Xildhibaan lagu Celiyay Jubbaland.

Shalay ayay ahayd markii magaalada BAudhabo lagu doortay kursigii lagu celiyaya taasi oo markale uu ku guuleystay xil Sheekh Shaacir.

Like it? Share it!