Washington oo ka hadashay doorashada Soomaaliya

by Hassan Ali | Thursday, Jan 5, 2017 | 209 views

5,Januray,2017(SofoNews) War ka soo baxay xukumadda Washington ayaa lagu sheegey in Dowlada Marayanka ayaa soo dhoweysay qaabka loo qorsheeyay qabashada doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo dhowaan dhacaysa.

War-saxaafadeed uu soo saaray Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Mareykanka John Kirby waxa uu ku sheegay wax lagu farxo in ay tahay in  waqti kama dambayn ah loo qabto xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Hase ahaatee Kirby ayaa ku celiyay walaaca ay dowlada Maraykanka ka qabto musuqmaasuqa ka jira doorashada dalka Soomaaliya waxana uu ku baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka hufan islamarkaana si cadaalad ah loo dhamaystiro kuraasta aan la dooran ee ka harsan baarlamaanka.

Dowlada Maraykanka ayaa waxa ay hore ugu digtey inay musuqmaasuq ku kacaan muwaadiniinteeda ka mid ah dowlada Soomaaliya.

Hadalkani ka soo baxaya Mareykanka ayaa imaanaya ayadoo ay soconayaan ololaha iyo diyaar garowga doorashada guddoonka baarlamanka labada aqal iyo kan madaxweynaha

 

Like it? Share it!