Wasaaradad amniga dalka Coasta Rice oo faah faahin kabixiyay wiil Soomaaliyeed oo xabsiga kujira.

by Hassan Ali | Friday, Mar 31, 2017 | 77 views

31,March,2017(SofoNews)Wararka ka imaanaya dalka Costa Rica ayaa sheegayaa in Booliiska dalkaasi ay Xabsiga ku hayaan wiil Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu ku lug leeyahay arimo la xiriiro argagaxisada Caalamiga ayadoona ay booliisku su’aalo weydiinayaan wiilkaas Soomaaliga ah.
Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Ibraahim Qoordheen oo 25 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtey caasimada dalkaas Costa Rica ee lagu magacaabo San José ka dib markii uu dalkaas ka soo galay dalka ay xadka wadagaan dalkaas ee Panama.
Wiilkaan ayaa dalkaas ka soo galay magaalada Paso Canoas oo 358 km u jirta caasimada dalkaas islamarkaana kaga beegan dhanka koonfureed, Wiilkaan oo lagu qabtey sida ay wararku qaar sheegayaan macluumaaad uu soo gudbiyey dalkaas Mareykanka ayaan wali ogeyn wax dhab ahaan lagu heysto.
Wasiirka Amniga ee dalkaas Costa Rica ayaa sheegey in Wiilkaas Soomaaliyeed uu hada ku jiro gacanta ciidanka Booliiska dalkaas Costa Rica oo ay su’aalana weydiinayaan.
Sirdoonka dalkaas Mareykanka oo ayagu gaarey caasimada dalkaas Costa Rica ayaa la filayaa in loo gacan galiyo wiilkaas Soomaaliga ah si ay su’aalo u weydiiyeen.

Like it? Share it!

Leave A Response