Warshad lacagaha been abuurka ah lagu farsamaynayay oo Muqdisho lagu qabtay iy qasaare ka dhashay

by Hassan Ali | Tuesday, Jan 17, 2017 | 151 views

17,January,2017(SofoNews) Howlgal ay xalay ka sameeyeen xaafado kuyaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho Ciidanka Hay’adda NISA ayaa  Ku Qabtay Warshad Lagu Farsameeyo Lacagta Doolarka Faalsada ah iyo Kooxdii ka shaqeeneysay.

Mudadii uu howlgal socday ayaa ciidamadu waxay xireen qeybo kamid ah degmadaasi ayadoo iska hor imaad uu dhexmaray labada dhinac oo qasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay taasi uu keentey in goor dambe laqabto warshadaasi iyo dadkii ku ganacsanayay lacagtaasi faalsada ah.

Saraakiisha hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee  NISA ayaa Sheegay in  ay la wareegeen Warshaddii iyo Qalabkii lagu dhaqayay Lacagahaasi Been Abuurka ah, iyadoo Xabsiga loo taxaabay illaa lix ruux oo ku eedeeysan faldambiyeedkaasi.

Taliska NISA wuxuu sheegay in howlgalka ay Ciidamadu Fuliyeen uu ku dhintay Askari katirsan Ciidamada midkalana uu kaga dhaawacmay kadib markii Kooxda Burcadda ah ay isku dayeen in ay iska Caabiyaan Ciidamada.

Ma ahan arrin ku cusub Soomaaliya lacagaha been abuurka ah oo laga helo qeybo kamid ah gobolada dalka ayadoo deegaano katirsan Puntland iyo Galmudug dhowr jeer lagu qabtay lacagahaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response