Wariye katirsan Telefishinka al-Jazeera oo ku xiran Muqdisho

by admin | Wednesday, Oct 19, 2016 | 170 views

19 Oct 2016 (SofoNews) – Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabadsugidda ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Xamza oo katirsan telefishinka al-jazeera qeybta ku hadasha afka Ingiriiska. Wariyaha oo fadhigiisu yahay Doxa ayaa waxaa lala xiray 3 kale oo howlwadeen ah sida xog aynu helnay ay sheegeyso.

Lama oga sababta loo xiray wariyaha iyo xubnaha la socoday, hasee yeeshee waxaa dhanka kale xabsiga laga sii dayaay wariye katirsanaa wargeyska xog ogaal oo fadhigiisu yahay muqdisho.

Wargeyska oo xirnaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa hadda lagu wadaa in uu hawada dib ugu soo laabto.

Like it? Share it!

Leave A Response