Wariye Coldoon oo maxakamada la soo taagayo iyo agaasime tv oo la siidaayay

by Hassan Ali | Saturday, Feb 25, 2017 | 90 views

25,February,2017(SofoNews) Muddo maalmo ah kadib markii maamulka Soomaliland uu xarig u geystay wariye C/maalik Muuse Colddoon ayaa waxaa baialabanaysa qaadista dacwadaasi oo hortaala maxakamad kutaala magaalada Harggeysa ee xarunta maamulkaasi.
Waxaa lagu waday in maanta Maxkamad lasoo taago wariyahaasi si loo xukumo balse wararku waxay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid dacwadaasi.
Sidoo kale waxaa damaanad lagu sii daayaya agaasimaha tvga Star TV Maxemed Baashe Cabdi kaasi oo dhawaan isna ay xireen ciidanka Soomaliland.
Sidoo kale Weriye C/maalik Muuse Coldoon ayaa waxaa dib loo dhigay maxkamadeyntiisii waxaana loo celiyay Saldhigii uu ku xirnaa.
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in dib loo sii amba qaado qaadista dacwaddaasi inkastoo aan la ogeyn waxa ay ku dhamaan doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response