Wareegii 2aad oo socda iyo musharixii 4aad oo tanaasulay.

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 163 views

8,February,2017(SofoNews) Wareegii 2aad ee cod bixinta doorashada madaxweynaha sooomaaliya ayaa si toos ah u bilaabatay ayadoo ayadoo mid kamid ah musharixiintii 4ta ahaa uu tanaasulay kaasi oo ah cumar c/rashiid.

Wareegii hore waxaa hogaanka u hayay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, hasa ahaatee waxaa dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in xaalka uu ku xun yahay Xasan Sheekh oo la filayo in ugu dambeyn u midobaan labada Musharax ee la tartameysa.

Labo musharax ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan wareega 3aad ee doorashada taasi oo aan la saadaalinkarin cidda ku soo bixidoonta.
Wareega labaad ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan labo Musharax, waxaana tartanka ugu adag uu dhax mari doonaa labada Musharax ee isugu soo hara wareega sedexaad kuwaa oo ku kala bixi doona cod hal dheeri ah.

Hadal haynta ugu badan ayaa ah in uu ku guuleysan doono Max,ed C,laahi Farmaajo haddiii aan imaanin isbedel muuqda.

Like it? Share it!