Wareegii 1aad oo la soo geba gebeye doorahsada GAlmudug

by Hassan Ali | Wednesday, May 3, 2017 | 38 views

3,May,2017(SofoNews) Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa sheegey in wereegii 1aad ee codbixinta doorashada Galmudug ay uu soo geba geboobey waxaana soconaya tirint acodadka., waxaana laga dhursugaya cidda ku guuleysata musharixiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Shariif iyo C/qaadir Shirwac.

Waxaa laga dalbaday musharaxiinta  in ay soo dirsadaan wakiilo goob joog ka noqda tirinta codadka si mid walba loogu dhiibo codadka musharaxa uu ka socdo ka dibna loo tiriyo, waxaana hadda bilaabaneysa tirinta codadka la kala helay oo lagu dhawaaqayo.

Musharaxii hela 3/2 tirada guud xildhibaanada oo gaaraya 89 xildhibaan ayaa noqonaya ninka ku guuleysta doorasahda hadiise la waayo musharax tiradaas hela waxaa la galayaa wareeg 2aad ee doorasho ah kaasoo ay u soo gudbayaan labada musharax ee ugu cod badan kuwaasoo cod hal dheeri ah ku kala bixi doona

Like it? Share it!

Leave A Response