Wararkii ugu dambeyeey ee magaalada Jowhar

by Hassan Ali | Sunday, Oct 16, 2016 | 153 views

16,October,2016(SofoNews) Mashquul xoogan ayaa  laga dareemayay magaalaad Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ka soconayaan howlaha doorashooyinka.

Waxaana kulamada ay u dhaxeeyeen masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee kusugan Jowhar iyo xubnaha isku khilaafay xubinimada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

Dooda ugu badan ee cabashada ah ayaa la sheegay inay u dhaxeyso Cali Xasan Taakow iyo Cali Guudlaawe oo isku haya xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

Waxaa wararka qaar ay sheegayaan in la soo jeediyay in Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe uu marka hore is casilo, kaddibna isku sharaxo xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Arrimaha ugu badan ee laga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa in Musharaxiinta laga daayo fara gelinta, cid walbana ay is sharaxi karto, waxaa kaloo la soo jeediyay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee tagay Jowhar iyana banaanka ka joogaan doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale cabashooyinka la soo jeediyay ee odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Musharax Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa in Madaxtooyada ay fara gelinta ka joojiso shirka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiirka arimaha gudaha, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow ayaa ilaa shalay kulamo la qaadanayay dhinacyada khilaafka uu ka dhashay, iyaga oo doonaya in doorashada ay sii socoto lana dhameeyo khilaafka iyo cabashada ka timid qaar ka mid ah Musharaxiinta.

 

Like it? Share it!