War ka soo yeeray Al-shabaab

by Hassan Ali | Thursday, Mar 2, 2017 | 128 views

2,March,2017(SfoNews) Kadib markii dhawaan uu deb xoogan qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha magaalaad Muqdisho kaasi oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ka hadlaya Alshabaab.
Baraha bulshada ayaa war la soo dhigay lagu sheegey in Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir uu sheegay in aysan aheyn markii u horeysay oo Suuqa Bakaaraha ka kaco dab, isagoo shaki geliyay gubashada markan ka dhacday Suuqa.
Cali Xuseen Waxaa uu sheegay in markii u horeysay aysan aheyn oo Suuqa Bakaaraha gurbto, isagoo tilmaamay in dhibaatadan ay tahay waxay Insaanku gacantooda ku kasbadeen.
War laga siidayaay warbaahinta Alshabaab ayaa wuxuu ka yiri sida tan“Shaki badan ayaa ka qabnaa in dhinacyo cadow ah ay mas’uul ka ahaayeen dabka suuqa bakaaraha, sida ogtihiin labo bilood ka hor dab ayaa ka kacay suuqyo ku yaala Dharkeenley, Bakaaro iyo Baydhabo”ayuu yiri Cali Maxamed Xuseen.
Wakiilka Al-Shabaab Gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyo gubashada Suuqa Bakaaraha, si loo ogaado sababta dhabta ah ee ka dambeysay dabkan.
Dad fara badan ayaa ku hanti beelay gubashadii maalmo ka hor ee Suuqa Bakaaraha, waxaana illaa iyo hada lagu sameyn tirakoob rasmi ah oo ku saabsan hanti’ada ku baaba’day Suuqa.

Like it? Share it!