War deg deg ah: xildhibaan lagu dhaawacay Gaalkacyo

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 100 views

8,March,2017(SofoNews) Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray xildhibaana katirsan baarlamanka Puntland uu ka dhacy halkaasi.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu Magacaabo C/qaadir Cali faarax (Bootaan) oo ka mid ah Xildhibanada Puntland ayaa ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa kaas oo ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo gelnkii dambe ee maanta.
Dhaawaca xildhibaanka oo ah mid culus ayaa la dhigay isbitalka magaalaad Gaalkacyo halkaasi oo dhaqaatiirtu ay ku dabiibayaan.
Askar katirsan Ciidamada Puntland ayaa goobta kusugan waxayna baaritaano ku sameynayaan sida uu falkasi u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay intuba.
Majiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka Puntland ee ku aadan falkaasi

Like it? Share it!

Leave A Response