War deg deg ah: weerar loo adeegsaday gaari qarax ah oo Baladweyne ka dhacay

by Hassan Ali | Tuesday, Oct 25, 2016 | 162 views

25,October,2016(SofoNews) Wararka SomaliaFocus ay ka heleyso magalaad Baladweyne ayaa sheegaya in goor dhow qarax ismiidaamiin ah uu ka dhacay magaaladaasi kaasi oo geystay qasaare xoogan.

Inkastoo aan la xaqiijin Karin qasaaraha rasmiga ah ayaa hadana wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi lagu weeraray  xarun ciidamada Amisom ay ku leeyihiin magalaadasi Baladweyne.

Weerarka ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaxa qarxa, howlgalo ayaa haatan ka socoda nawaaxiga goobta ay wax ka dheceen oo ah xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Like it? Share it!