War deg deg ah: Guddoomiya=ihii gobolka BAnaadir oo xilkii laga qaaday

by Hassan Ali | Thursday, Apr 6, 2017 | 133 views

6,April,2017(SofoNews) Kadib degreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale si rasmi ah xilka looga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay Taabid Cabdi oo horey u ahaa Safiir kuxigeenka Soomaaliya ee Mareykanka, sidoo kale soo noqday Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Xiligii Xasan Sheekh.
Shir ay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu meel mariyay magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir iyo Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Taabit ayaa kamid ahaa saaxiibada aadka ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale qeyb weyn ku lahaa Ololihii uu kusoo baxay Madaxweyne Maxamed Farmaajo.
Tabait oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale qaraabo dhaw la ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka ayaa imaanaysa xili uu guddoomiyihii hore soo bandhigay qorshaah waxqabadkiis asanadka cusub.

Like it? Share it!